SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALIA IYO KOMOROS KA MID MA AHA…

(SAWIRKA)-CALAMADA WADAMADA XUBNAHA KA AH MADASHA NEGEV.

(SOMALIA)-Wargayska HAARETZ ee Israel soona baxay 21/5/23-ka ayaa ka hadlay hadafka Madasha Naqab(Negev Forum) ka hor kulankii lagu weday inuu dhaco 23/6/23-ka,wargayska ayaa xusay in Madashaan ey ka qeybgeli doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalal Carab ah,shirkaan ayaa horay dib loogu dhigay ka dib markii ey kordheen iska horimaadyada u dhxeeyo Falastiiniyiinta iyo Israel. Maraykanka iyo Israel ayaa xooga saaraayo sideey Madashaan Naqab ugu soo deri lahaayeen wadamo Afrikaan ah dadkoodana ey u badan yihiin Muslimiin,sidaas waxaa laga soo xigtay Wargayska Haaretz ee laga leeyahay Israel. Wargayska ayaa sheegay in dhammaadka bishaan ey shir isugu imaan doonaan wadamadda xubnaha ka ah Madasha Naqab kalana ah”US,ISRAE,UAE,EGYPT,MOROCCO,BAHRAIN”hadalkaan ayuu wargaysku ka soo xigtay sarkaal sare oo reer Israel ah,Madasha Naqab ayaa la aas-aasay sannadkii hore-2022-ka waqtigaaso Lair Lapid uu ahaay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel,fadhigii ugu horeeyey ey yeeshaan Wasiiradda Arrimaha dibadda ee wadamadda xubnaha ka ah Madasha Naqab ayaa dhacay Maarso-2022-kii waxaane lagu qabtay Kibbutz Sd Boker kun ataalo gudaha bartamaha degaanka Negev ee Koonfurta Israel waane halka laga soo qaatay magaca Madasha Naqab ee :NEGEV FORUM”.

ISHA WARKA HAARETZ.

HALKAAN KA SII AKHRISO.