SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALIA: $21-MILYAN DOOLAR OO LA XADAY…

(SAWIRKA)-HANTI DHAWRAHA QARANKA SOOMAALIYA AXMED GUTAALE.

(MUQDISHO-SOMALIA)-War ka soo baxay Xafiiska Hanti Dhawraha Qaranka ayaa lagu sheegay in xafiiska uu la wadaagay Xeer ilaaliyaha Qaranka lacag la lunsaday mudadii u dhexeysay 2018 ilaa 2023-ka,lacagta uu sheegay Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka ayaa dhan $21-Milyan oo doolarka Maraykanka,taaso macnaheedu yahay in lacagtaan la lunsady afar sano oo ka mida la lunsaday waqtigii Farmaajo iyo hal sano oo ka mida waqtiga Xasan sheekh. Hanti Dharka Qaranka ayaa baaris waxa uu ku sameyey seddex Waaxood ey ku jirto Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,Waaxyaha la baaraya ayaa kala ah”Waaxda bixinta Ruqsada shaqada ee shaqaalaha shisheeye ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada,Waaxda kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee Hayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha,Waaxda adeega shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda,Waaxdd adeega shaqaalaha shisheeye ee Bangiga dhexe Soomaaliya iyo waaxda adeega shaqaalaha shisheeye ee Xafiiska Xisabiyaha Guud.

ISHA WARKA CAASIMADDA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.