SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALI: MURAN KA TAAGAN MIISANIYADIHI AAN LA XIRIN.

XILDHIBAAN YAASIIN FAREEY.

(MUQDISHO)-Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dood aad u kulul eey ka socotay gudaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya(BJFS),dooda ayaa ahayd mid salka ku hayso xiritaanka miisaaniyadda dawladdii hore uu hogaaminaayey Fadaxweyne Farmaajo,miisaaniyadda aan la xirin ayaa ah sannadada(2017 ilaa 2021)-kii waxaane golaha labada aqal(Sare/Hoose) ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya(BJFS) soo hor istaagay Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda xil gaarsiinta Dr.Beyle,waxaane shalay dhacday in Wasiir Dr.Beyle meel saari kari waayo goorta la soo marsiiyey Baarlamaanka oo wada fadhiyo miisaaniyadaha uu Dr.Beyle ku sheegay in baarlamaanku u ansixiyey. Maanta ayaa hadane dib la isugu soo laabtay dooda la xiriirta miisaaniyadda ku baxda hayadaha dawladda Soomaaliya waxaane maanta dadkii hadlay ka mid ahaay ku simihii agaasimaha hayadda sirdoonka qaranka ee NISA xildhibaan Yaasiin C/laahi Fareey,xildhibaanka ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday dhaqaalaha la siiyey hayadda NISA ee isagu ogyahay.

XIGASHO CAASIMADDA ONLINE.

HALKAAN KA SII AKHRI.