SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIRDOONKA TURKIGA(MIT) OO GACANTA KU DHIGAY KORALI.

(SAWIRKA)-MOHAMED KORALI.

(ANKARA-TUR)-Wararka aan ka heleyno dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Hayadda Sirdoonka Qaranka Turkiga(MIT) ey gacanta ku soo dhigtay Maxamed Dib Korali oo ahaa mid ka mid ah dadkii geystay weerarkii Argagixisnimo ee sannadkii 2013-kii ka dhacay Koonfurta Gobolka Hatay. Sida laga soo xigtay ilo Amaanka ah MIT waxa ey aqoonsatay meesha uu ku dhuumaaleysanaayo Korali ee gudaha dalka Suriya. Korali waxa uu ka mid ahaa qorsheeyeyaashii weerarka Argagixisonimo ee ka dhacay Hatay Reyhanli wuxuuna bixiyey bambooyinka loo adeegsaday weerarka, wararka ayaa intaas ku daraya in Korali lagu wareejiyey Booliska Hatay. Hawlgal kan la mid ah oo ka dhacay gudaha dalka Suriya sannadkii 2018-kii ayaa waxaa lagu soo qabtay Yusuf Nazik oo ahaa dembiile kale oo qorsheynaayey weeraro kale iney ka dhacaan dhulka Turkiga. Mehemet Gezer, oo ahaa Argagixiyihii amray weerarada dhimashada badan ayaa la soo xiray sannadkii 2022-kii ka dib markii Turkiga ey u soo gacangelisay dawladda Maraykanka.

ISHA-DS.

HALKAN KA SI AKHRISO.