SIDEE LOO QORSHEEYEY DILKII HANIYAH?
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA SOCDO IRAAN.
(TEHRAN-IRAN)-Todobaadkii hore ayey ahayd markii caasimadda dalka Iraan ee Tehraan lagu dilay Madaxii Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah,dilka Haniyah ayaa waxaa lagu tuhmay iney ka dambeyso Israa’iil taaso horay u sheegtay iney dili doonto Madaxda Ururka Xamaas ee reer Falastiin iyo Ururka Xizbullah ee reer Lubnaan. Dilka Haniyah ayaa looga hadlay siyaabo kala duwan balse hadda ayaa loo soo dhawaaday runta oo waxaa soo baxay warar sheegaayo in dilka Ismaaciil Haniyah ey fuliyeen laba askeri oo ey qoratay Hayadda Sirdoonka Dibadda ee Israa’iil ee loo yaqaano MOSSAD,labada askeri ayaa la sheegay iney ka tirsanaayeen Ilaaladda Kacaan dalka Iraan yihiine kuwa fuliyey dilka Haniyah,waxaane la sheegay in labadaas askeri ee Iraaniyiinta ah ey Mossad ka soo saartay gudaha dalka Iraan,waane labada askeri ee sariirta Ismaaciil Haniyah hoosteeda dhigay Waxyaabha Qarxa ee meel fog laga xukumaayo. Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in walxaha qarxa la dhigay sariirta Hogaamiyaha la dilay ee Xamaas Ismaaciil Haniyah,waxaane dilay laba nin oo Iraaniyiin ah oo ey qoratay hayadda Sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Labada Iraaniyiin ee ku lug lahaay dilka Haniyah waxay ka tirsanaayeen Qeybta Amniga ee Ansar-AL-Mahdi ee Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iraan iyaga oo ahaa kooxda masuulka ka ah ilaalinta dhismaha ey degaan Martida sida uu qabo wargayska Taariikhda Yahuuda. Iraaniyiinta laftooda waxay garwaaqsadeen dilka Haniyah ka dib,markii ilaaladda amniga dhismaha ey ka soo muuqdeen Kaameradda qarsoon isla maalintii uu dhacay dilka Haniyah,waxaane la arkay iyagoo ku sii socda Qolka uu deganaay Haniya loona qorsheeyey inuu ku hoydo,waxay fureen albaabka waxa eyna galeen qolkii Haniyah. “Seddexd daqiiqo ka dib ilaaladda oo loo bandhigay midkiiba la siinaayo lacag ilaa lix tiro ah iyo sidoo kale in si deg deg ah loo geyn doono wadan ku yaalo Waqooyiga Qaaradda Yurub ayey kaameraduhu qabteen iyagoo si degan qolka Haniyah uga baxaya,waxa eyna ka dhaadhaceen jaranjaradda dhinaca albaabka weyn ee laga soo galo loogana baxo dhismaha ka dibne waxa ey fuuleen gaari Madaw.
ISHA/AA.