SICIR BARAR KA JIRA WADAMADA ISTICMALA EURO-da.
SUUQ YRUB KU YALO.
(LONDON)-Sicir bararka ka jira dalalka isticmaalo lacagta Euro-da sida la arkay,kor ayuu u socdaa waxaane la arkay in sicir barar aad u culus uu ka jiro dhinaca Tamarta(Energy) taaso uu u sabab yahay dagaal Yukrayn.Sicir bararka sannadlaha ah kana jira 19-dal kana tirsan wadamadda laga isticmaalo lacagta Euro-da ayaa gaaray (8.6%) bishii dhammaatay ee Juun-2022-ka tiradaaso ahayd bishii Meey-2022-ka( 8.1%), macnaha sicir bararka ayaa gaaray(.5%) muddo dhan hal bil sida lagu sheegay tirada ugu dambaysay ee la shaaciyey maanta oo Jimca ah waxaane shaacisay hayadda midawga yurub u qaabilsan qorshaynta(EUROSTATE).Sicir bararka ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyey marka laga soo bilaabo markii la bilaabay in la diiwaan geliyo sannadkii 1977-dii.
ISHA WARKA AP.