SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRQOOLKA KA SOCDO BELEDWEYNE YAA KA DAMBEEYO?

Todobaadkaan bilawgiisii kuna beegneed maalintii Axada eey bishaan Agoosto ahayd laba iyo labaatanka(22/8/2021)-ka ayaa waxa amagaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan xoog kula wareegay ciidamo ka tirsan xooga dalka soomaaliyeed ujeedka ciidamadu u qabsadeen Beledweyne ayaa ahayd ineey ka horjoogsadaan inuu magaaladda soo galo Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe,gudaha magaaladda Beledweyne ayaa waxaa ku sugnaay siyaasiyiin ka soo jeedo beesha cabashada ka qabta maamulka Hirshabeele ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.Magaaladda Beledweyne waxaa yaalo shan iyo labaatan kursi sideed ka mida kuraastaas waxaa iska leh beesha ka cabanayso maamulka Hirshabeele todobo iyo tobanka soo harayne waxaa iska leh beelaha dego gobolka Hiiraan kuwaaso hadda aan qeyb ka ahayn gadoodka ciidan ee hadda ka jiro magaaladda beledweyne.Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Yuusuf Dabageed kuna sugan Beledweyne isaga iyo wafdi ka socdo maamulka Hirshabeele ayaa horhdac u ahaay wafdiga lagu weday ineey yimaadaan magaaladda Beledweyne maalintii shalay ee Isniinta ahayd wafdigaas ayaa waxaa hogaaminaayey madaxweynaha Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe safarkii wafdigane waa uu baaqday sababo amni darteed.Siyaasiyiinta ku sugan Beledweyne kana dhashay beesha qabta cabashada ayaa soo jeediyey: (1)-In la kala saaro dooda ku saabsan Hirshabeele iyo doorshada xildhibaanadda.(2)-In wada hadalo lala galo madaxweynaha Hirshabeele Mudane Guudlaawe si loo xaliyo tabshooyinka jira. Ciidamadda qabsaday magaaladda Beledweyne ayaa la sheegay in qaar ka mida laga diray Muqdisho waxa eeyna la socdeen wasiirka arrimaha gudaha DFS Gen.Mukhtaar oo hadda ku sugan magaaladda Beledwyne,gadoodka ciidamadda ayaa lagu sheegay laba arrimood:(1)-In la baajiyo safarka Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe.(20)-Iyo in madaxweynaha ku xigeenka Hirshabeele Yuusuf Dabageed la tuso inuusan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameeyn karin magaaladda Beledweyne Villa soomaaliya la’aanteed.

Arrinta ka taagan Beledweyne ayaa ah mid salka ku hayso kuraasto taalo Beledweyne cidda ku soo bexeyso iyo goobta lagu qabanaayo doorashadda oo ah Beledweyne laga wareejiyo lana geeyo magaaladda Jawhar si halkaas DFS ugu yeelo raad xildhibaanadda soo baxaayo.

HALKAAN KA DHEGAYSO WARBIXIN KU SAABSAN ARRINTA HIIRAAN.