SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKII RIYAD OO GO’AAMO LAGA SOO SAARAY.

(SAWIRKA)-SHIRKII RIYAD.

((RIYAD)-Shirkii u dhexeeyey Ururadda Jaamicadda Carabta iyo kan Iskaashiga Islaamka ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey ku baaqeen in si deg deg ah xeer ilalinta Maxkamada Dembiyada caalamiga ah ey soo dhammaystirto baaritaanadeeda ku saabsan Dembiyada Dagaalka,Dembiyada lidka ku ah Bani’adanimada ee lidka ku ah shacabka reer Falastiin ey ku kacday Isra’iil. Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii Riyad ayaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Sacuudiga,Urdun,Masar,Qadar,Turki,Indonisiya iyo Nayjeeriya ayaa awood loo siiyey iney si deg deg ah u qaadaan talaabo caalami ah ayagoo ka wakiil ah dalalkii ka qeybgalay shirkii u dhexeeyey Ururadda Jaamicadda iyo kan Iskaashiga Islaamka iyo in la joojiyo dagaalka lana bilaabo wada hadal siyaasadeed oo dhab ah kuna dhammaado Guul iyo nabad dhammaystiran ayadoo la tixgelinaayo Marjaca caalamiga ah.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.