SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKII GUDIGA AMNIGA QARANKA OO QABSOOMAY.

(SAWIRKA)-GUDIGA AMNIGA QARANKA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahne Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalbka Sida Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomiyey kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka shalay oo ey taariikhdu ahayd 18/7/2024-ka. Kulanka ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhuumaaleysiga ah lagu soo geliyey degaano ka mid Dawlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka,waxaa warbixino laga dhegaystay Hayadaha Amniga iyo La Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aadan dhacdadaan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadaan: (1)-Goluhu wuxuu adkeeyey in Waaxda kormeerka Hubka iyo Rasaasta(CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore uga soo baxday (Dikireeto Madaxweyne#142) ey sii wado isla markaasne ey xoojiso kor joogteynta iyo la socodka Maareynta Hubka iyo Rasaasta. (2)-Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray iney soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aadan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo geliyey dalka,lagulana xisaabtamo cidda ka dambaysa,isla markaasne laga hortago dhacdooyinka nuucaan ah iney dhacaan mustaqbalka. (3)-Goluhu wuxuu isku raacay dhammaystirka siyaasadda Qaran ee iibka Hubka,degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiiradda. (4)-Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga Hubka. (5)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Hayadaha Fulinta Sharciga waxaa lagu adkeeyey in si deg deg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawsha sharci darrada ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey muhimadda weyn ee ey leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda xakamaynta Hubka iyo Rasaasta. Madaxweynuhu wuxuu adkeeyey in guusha laga gaaray qaadista cunaqabteynta Hubka ey aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dawladda ee xakameynta Hubka. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Reysal Wasaare Xamse iyo ku xigeenkiisa Md.Saalax Jaamac,waxaa kaloo kaqeybgalay Wasiiradda Cadaaladda Xasan Macallin,Arrimaha Gudaha Cali Xoosh,G/dhiga C/qaadir Jaamac,Arrimaha Dibadda Fiqi,Maaliyadda Biixi,Wasiirul Dawlaha Amniga Gudaha Xagaa,Taliyaha CXDS S/G.Ibrahim Sh.Muxyadiin,Agaasimaha Hayadda NISA Sambalooshe,Taliyaha Ciidanka Booliska Sulub,Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad,La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.C/xakiim Maxamed Yuusuf.

ISHA/SNTV.