SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA XFS OO MUQDISHO KA DHACAY.
(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA EE XFS.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa meel mariyey dib u eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis isafagrad oo la xiriira Iskaashiga Siyaasadda oo ey wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway. Shirka maanta ee Golaha Xukuumadda FS uu shir Gudoominaayey Reysal Wasaare ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa warbixin Amniga looga dhegaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhiga,labadaan Wasaaradood ayaa soo bandhigay waxbixino la xiriiro halka uu maraayo hawlgaladda lagu ciritiraayo kooxda Alshabaab iyo xasillinta Amniga dalka. Sidoo kale,Golaha ayaa warbixino la xiriira safarro shaqo oo ey dibadda dalka ku tageen laga dhegaystay Wasiiradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshadda,Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda,Maaliyadda,Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigay guulihii ey xaqiijiyeen safaradooda.
ISHA/SNTV.