SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO…

(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(MUQDISHO)-Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa magaaladda Muqdisho dib uga furmay 27-kii bishaan Oktoobar-2024-ka,shirka ayaa waxaa ku yimid hakad ka dib markii uu shirka isaga baxay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Md.Axmed Madoobe, sababaha keenay inuu shirka isaga baxo Md.Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay iney tahay Arrimaha Doorashooyinka ey wadato DFS oo ah Doorasho Qof iyo Cod iyo waqti kororsi dhinac socdo doorashadda Qof iyo Codka ah. Maanta oo Arbaca ah(30/10/24)-ka ayaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaane laga soo saaray dhawr qodob oo muhiim u ah dawlad dhiska Soomaaliya ee waqtigaan. Qodobada laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ugu muhiimsan xadidida waqtiga Doorashooyinka Golayaasha degaan iyo Doorashooyinka Dawlad Goboleedyadda dalka waqtiga ey dhacyaan oo iyagana la sheegay.

ISHA-CO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.