SHIRKII GARAWE EE LOO BALANSANAAY OO FASHILMAY.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO KA HIR HADLAAYO BJFS.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Xukuumadda Puntland ey dhawaan soo saari doonto Qoraal ku qoran Luuqad Adag sida la sheegay kaaso ka dhan ah wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Qoraal rasmi ah ey soo saari doonto Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo Siciid C/laahi Deni waxa ey si adag uga hor imaan doontaa wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaaso hadda ey ku hawlan yihiin labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. “Dawladda Puntland waxay cadeyn doontaa ineysan khuseyn hawlaha socdo ee wax ka bedelka loogu sameynaayo Dastuurka dalka kuwaaso ah go’aan ka yimid hal dhinac oo aan la isku raacsaneyn”. Dawladda Puntland waxa ey mawqif adag ka qaadan doontaa talaabooyinka baalmarsan Dastuurka dalka iyo shuruucdii lagu heshiiyey ee Madaxtooyadu ku wado nidaamka dawlad dhiska dalka Soomaaliya”,ayuu sheegay masuul ka tirsan maamulka Puntland. Xogta la helaayo ayaa intaas ku dereyso in sidoo kale uu fashilmay Shirkii Garawe lagu qaban lahaay kaaso Gogoshiisa uu fidiyey MW-Deni si looga hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Dhinaca kale,Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta dood ka yeeshay wax ka bedelka iyo Ansixinta Dastuurka KMG ah ee dalka Soomaaliya.
ISHA/PP.