SHIRKII ANKARA OO KU SOO DHAMMAADAY…
(SAWIRKA)-SHIRKII JARA’ID EE WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA.
(ANKARA)-Turkiga ayaa dhexdhexaadiye ka noqday Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan heshiiskii dekedda ee Itoobiya ey la saxiixatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax banaanidda ee Soomaaliland horaantii sannadkan 2024-ka,sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afar sarkaal oo arrinta wax ka og. Wada hadaladan ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee lagu doonaayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyo dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika,kuwaaso xiriirkoodu xumaaday bishii Janaayo-2024-ka, ka dib markii Itoobiya ogolaatay iney Soomaaliland ka kireysato 20-kiilomitir oo xeebta ah si ey u aqoonsato Madax banaanideeda. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darra ah waxayna ku aargoosatay iney erido Safiirkii Itoobiya waxayna ku hanjabtay iney dalka ka saari doonto kumanaan ka tirsan ciidanka Itoobiyaan ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kuwaaso gacan ka gaysta la dagaalanka kooxda Alshabaab.
ISHA/DS.