SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKADA TIKTOK OO RACFAAN KA QAADATAY DACW…

(SAWIRKA)-SHIRKADA TIKTOK OO RACFAAN QAADATAY.

(WASHINGTON)-Shirkada TIKTOK ayaa Racfaan ka qaadatay deg deg ah Isniintii shalay ahayd una Gudbisay Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo dooneysa iney hor istaagto sharci horseedi kara in muuqaalka gaaban ee APP-ka laga mamnuuco dalka Maraykanka oo dhan marka laga bilaabo 19/1/2025-ka. Talaabadaan ayaa timid ka dib markii Maxkamadda Racfaanka ee heer Federaal ey taageertay sharci u baahan shirkada qoyska leh TIKTOK BYTEDance iney wareejiso arrimo la xiriira “Walaaca Amniga Qaranka”. Racfaanka TIKTOK wuxuu ku doodayaa in sharcigu jebinaayo xuquuqda wax ka bedelka koobaad 170-milyan oo Maraykan ah oo istcmaala Aaladda TIKTOK,shirkadu waxay ka codsatay Maxkamada sare iney hakiso fulinta sharciga inta kiiska dib u eegis lagu sameynaayo. Waqtigaan ayaa la xusi karaa iyadoo Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump uu isu diyaarinaayo inuu xafiiska la wareego 20-ka bisha Janaayo-2025-ka. Waxaa soo baxay warar sheegaayo inuu Trump Isniintii kula kulmay Naadigiisa Mar-a-Lago Madaxda shirkadda TIKTOK Shou ZI Chew. Trump oo horay u muujiyey taageerada TIKTOK ayaa Isniintii shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Mar-a-Lago kula yeeshay Madaxa SOFTBANK Masayoshi Son”Waan eegi doonaa TIKTOK. Waxaan si qalbi ah idiin leeyahay in TIKTOK ey meel diiran uga taalo qalbigeyga waayo waxaan ku guuleystay 34% codka dhallinyarada,oo waxaa jira kuwa sheegaya in TIKTOK wax ku leeyahay guushaas”. Sharciga ka ilaalinta Maraykanka ee lagu xakameynaayo cadawga shisheeye ee codsiyadda shisheeye ayaa la soo maray bishii Abriil ee sannadkan 2024-ka walaaca laga qabo TIKTOK ey “suurtagal tahay in TIKTOK loo isticmaalo basaasnimada ama dacaayadaha dawlada Shiinaha”. Haddii Maxkamada Sare ee Maraykanka ey diido codsiag TIKTOK oo ByteDance ey ku guul dareysato iney leexiso APP-ka waxa uu wajahayaa ka saaridda bakhaaradda APP-ka iyo in laga xiro dalka Maraykanka.

ISHA-AA.