SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKADA DIYAARADAHA ETHIOPIAN AILINES OO LAGU…

(SAWIRKA)-SHIRKADA DIYAARADAH ETHIOPIA.

(ABUJA-NIGERIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Nayjeeriya ee Abuja ayaa sheegaayo in Hayadda Duulimaadyadda Madaniga ah ee Nayjeeriya taaso marka la soo gaabiyana loo yaqaano NCAA ayaa qaaday talaabo dhaqangelin ah kana dhan ah shan Shirkadood oo Diyaaradeed oo ey ku jirto Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airline ka dib markii ey ku xadgudbeen xuquuqda rakaabka raaca Diyaaradahooda sida waafaqsan Qeybta 19-aad ee xeerkeeda. Micheal Achimugu,oo ah Agaasimaha Arrimaha Dadweynaha iyo ilaalinta Macaamiisha ee Hayadda Duulimaadyadda Madaniga ah ee dalka Nayjeeriya ayaa sharaxay in xadgudubyada ey ka mkid yihiin “Inaan lagu bixin lacag celinta gudaha waqtiga loo cayimay”,Boorsooyin maqan,Boorsooyin gacanta lagu haayo,Boorsooyinka gaaban ee dhulka iyo dib u dhac ku yimid duulimaadka,Joojinta Duulimaadyada ayadoo aan Rakaabka la wargelin”isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Dhaqangelinta ayaan maanta bilaabeynaa waxa ey tahay kiisaska Shirkadaha Diyaaradeed ee loo arko iney khalad gashay,wax badane waa ey imaan doonaa”. Inkasto Hayaddu si rasmi ah u magacaabin Shirkadaha Diyaaradaha hadane ilo wareedyadu waxa ey cadeeyeen in Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Ailines,Royal Air Marocco,Arik Air, Aero Contractors iyo Air Peace ey yihiin kuwa arrintaan ey saameysay. Hayadda Duulista Rayidka ee Nayjeeriya ayaa mar sii horeysay xooga saartay u hogaansanaanta siyaasadda lacag celinta taaso u baahan 14-maalmood marka la iibsaday tikidhada khadka tooska ah iyo lacag cadaan ah oo deg deg ah oo tikidhada lagu iibsado.

ISHA-AS.