SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIRKAD DIIDAY IN LA WEERARO MARKAB U AFDUUBAN …

(SAWIRKA)-MARKABKA LAGU HAYSTO XEEBAHA PUNTLAND.

(DUBAI-UAE)-Todobaadkii tegay dhammaadkiisa waxaa xeebaha Soomaaliya isku fara saaray ciidamadda Badda ee dalka Hindiya iyo Burcad Badeed Soomaaliyeed oo ka soo wada jeed maamulka Puntland,burcadaan ayaa waxaa xeebaha G/nugaal ugu afduubnaay markab la yiraahdo MV RUEN lagana leeyahay dalka Bulgariya tan iyo bishii diseembar ee sannadkii 2023-ka. Ciidamadda badda ee dalka Hindiya ayaa weerar xoogan waxa ey ku qaadeen burca badeedii Soomaaliyeed oo dhammeed ilaa 35-qofood,dagaalka ayaa waxa uu qaatay in ka badan afar saacadood ka dibne waxaa suuratagal noqotay in gacanta lagu soo dhigo dhammaan burcad badeedii Soomaaliyeed ee afduubtay markabkii MV RUEN. Dhinaca kale,waxa isna jira markab kale oo isna loo soo afduubay Xeebaha degaanadda Puntland lana yiraahdo MV ABDULLAH lagana leeyahay dalka Bangaaladeesh,markabkaa ayaa hadda lagu haystaa xeebaha G/mudug ee bartamaha Soomaaliya,waxaan soo baxay warar sheegaayo in shirkada iska leh Markabka iney diiday in markabka la weeraro si looga soo furto burcad badeeda.

ISHA/HIIRAAN.

RIIX HALKAN.