SHIRKA ROME YAA SOMALIA KU METELAYO?
(SAWIRKA)-KA.MADAXDA KA QEYBGELAYSO SHIRKA ROME.
(ROME)-Tahriibku waa midka ey ku dhintaan dad aad u fara badan laguna la’ayahay dad intaas ka sii badan,tahriibka ayaa laba kala ah Mid dhinaca Badda ah iyo Mid dhinaca dhulka ah,dadka ka soo jeedo Qaaradaha Afrika iyo Asiya ayaa ah kuwa ku dhinta tahriibka dhinaca badda ah,dadkaan ayaa Qaaradda Yurub waxa ey ugu tahriibaan sidii ey halkaasi uga heli lahaayeen nolol dhaanta tan ey hadda ku haystaan dalalkooda. Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa maanta oo Axad ah(23/7/23)-ka ku baaqday in xiriir wanaagsan uu dhexmaro wadamadda ka tirsan Midawga Yurub iyo wadamada ey ka soo jeedaan dadka u tahriibo Qaaradda Yurub ee sii mara dalka Talyaaniga. Shirka maanta ka furmay caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome ayaa socon doono hal maalin waxaane ka qeybgelaayo 20-dal oo ka kala socdo Afrika iyo Yurub,waxaa ayagana jooga shirka maanta hayado caalami ah kuwaaso hadafkoodu yahay sidii loo joojin lahaay Muhajiriinta aan sharciga ahayn.
ISHA/VOA.