SHIRKA IGAD OO KA DHICI DOONO KAMBALA 18/1/24.
(SAWIRKA)-MADAXDA URUR GOBOLEEDKA IGAD.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo dalkaasi Maraykanka ayaa sheegaayo in dawladda Maraykanka ey soo dhaweysay shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD,shirka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco caasimadda dalka Ugaandh ee Kambala taariikhdu marka ey tahay 18/1/2024-ka,ujeedada shirka yaa lagu sheegay iney tahay dhibaatada ka soo korortay Heshiiska Soomaaliland ey la gashay dalka Itoobiya kowdii bishaan Janaayo-2024-ka. Qoraal ka soo baxay dawladda Maraykanka ayaa lagu yiri”Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka Ururka IGAD ee dhacaayo 18-ka bishan Janaayo-2024-ka kaaso looga hadlaayo xiisadda u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda ka taagan dalka Suudaan”. Shirkaan IGAD ayaa ah mid aan caadi ahayn waxaane sidaas sheegtay dawaladda Jabuuti oo hadda ah hogaanka sare ee ururka IGAD.
ISHA/HIIRAAN.