SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIR U DHEXEEYO URURKA OIC IYO SHIINAHA.

(SAWIRKA)-URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.

(ANKARA)-Wararka ka imanaayo dalka Shiinaha ayaa sheegaayo in wafdi ka socdo Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Deng Li,iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo khuseeyo Muslimiinta Shiinaha sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka maanta oo Talaada ah. Wafdigaan oo ey ka mid yihiin wakiilo ka kala socdo 26-dawladood oo xubna ka ah Uurka Iskaashiga Islaamka(OIC) eyna ka mid yihiin Xoghaynta Guud,Gudiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka ee Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa hadda booqasho rasmi ah waxa ey ku joogaan dalka shiinaha iyagoo martiqaad ka helay dalkaasi. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Shiinaha Deng Li ayaa Isniintii shalay ahayd waxa uu wafdigaan ku qaabilay magaaladda caasimadda ah Beijing,waxaa wafdigaan hogaaminaayo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhinaca Siyaasadda Md.Yuusuf AL-dobeey. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarka wanaagsan ee xiriirka Ururka Iskaashiga Islaamka dawladaha xubnaha ka ah iyo dawladda Shiinaha iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaay iskaashiga dhinacyadda kala duwan oo dheeraad ah ayaa lagu yiri bayaanka. Labada dhinaca ayey warbixintu raacisay iney bogaadiyeen wada hadaladda wax dhisaayo ee u dhexeeyo Ururka Iskashiga Islaamka iyo dawladda Shiinaha,waxayna ka wada hadleen danaha kala duwan ey wadagaan oo ey ku jirto maqaamka bulshada muslimiinta ah ee dalka Shiinaha. Wafdiga ka socdo Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa kaloo ey la kulmeen masuuliyiin fara badan kana tirsan Waaxda arrimaha Diinta ee Waaxda shaqada ee Golaha dhexe ee Xisbiga shuuciga Shiinaha. Wafdiga ka socdo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa booqan doono waqooyiga magaaladda Tianjin iyo ismaamulka Xinjiang Uyghur si ey u ogaadaan xaaladda nololeed iyo daryeelka bulshada Muslimiinta ah ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka. Xianjing waxaa ku nool in ka badan toban milyan oo Uyghurs ah. Kooxda Muslimiinta Turkiga ah ayaa gobolkaasi waxa ey ka yihiin 45%,dadka gobolkaan ayaa lagu eedeyn jiray iney faquuqaan dadka Muslimiinta Shiinaha ah balse arrinkaas ayaa waxaa iska diiday dawladda Shiinaha.

ISHA/AA.