SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIR MUQDISHO KA FURMAY OO LOOGA HADLAAYO SAAMEYNTA…

(SAWIRKA)-WASIIR DAA’UUD AWEYS IYO XAGAA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Warfaafin,Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Daa’uud Aweys Jaamac uu maanta oo Talaada ah Hotel-ka caanka ah AL-Jzeera ee magaaladda Muqdisho ka daahfuray Shirweyne ku saabsan Saameynta Faafinta Wararka Been Abuurka ah iyo Kicinta Colaadaha ey ku leeyihiin Nabadda iyo Xasiloonidda. Shirkaan uu maanta furay Wasiir Da’uud ayaa socon doono muddo laba maalmood ah,waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin ka socoto DFS, Saxafiyiin iyo Khubaro kala duwan kana kala yimid bulshadda qeybaheeda kala duwan. Shirka oo ah mid diiradda lagu saaraayo sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyina ka dhasha wararka been abuurka ah ee la soo dhigo Baraha Warbaahinta iyo Baraha Bulshadda,shirkan ayaa waxaa ka soo muuqday dad fara badan oo bulshada Muqdisho ku dhex leh magac iyo sharaf aad u weyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad,Qareen Daahir Carab,Wariye C/risaaq Xaaji Catoosh, Gudoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Amniga XFS,iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS. Wasiir AL-Cdaala oo qeyb ka ahaay madaxdii shirka ka qeybgashay ayaa yiri”Xaaladdii Baraha Bulshadda ka taagneed ee si xun u isticmaalka ahayd waxay gaartay ficil waxaane ka dhashay dagaal”,sidoo kale waxaa isna gobta ka hadlay Wariye C/risaaq Catoosh oo isna yiri’Horay uma dhicin in 22-Qof Booliska soo qabtaan laguna soo qabto fidno iyo kala geyn Bulsho ka dhex wadaan waxaan rabnaa in halkaas laga sii wado”. Qareen Daahir Carab oo isagana goobta ka hadlay ayaa yiri’Been abuurku waa dembi laakin waxaa ka sii weyn kicinta dadweynaha,waane wax loo baahnaa talaabadaan ey qaadeen ciidamadda amaanka”,laakinse Wasiir Da’uud Aweys oo furay shirka ayaa sheegay”Dadka isticmaalo Baraha Bulshadda waa iney ka fogaadaan baahinta wararka kala fogeynaayo Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa u hiilinaayo Alshabaab in dalka laga xureeyo”. Dhinaca kale, dadka ka shaqeeyo dhibaateynta dalka Soomaaliya kuna sugan dibadda dalka ayaa iyagana dhinacooda waxa ey Barta Twitter-Space ka fureen dood ey ugu magac dareen Caburinta Saxaafadda iyo Mucaaradka ee shirka Muqdisho",Madashaan ey iska leheed Galkacyo-Online ayaa waxaa ka soo qeybgalay rag dalka Soomaaliya uga soo baxsaday arrimo la xiriiro iney la shaqeeyaan sirdoon ajnabi ahne Maxkamad sugayaal,madasha oo ahayd Dheh anigane aan kuu Jiibiyo oo meesha waxaa la ilaaliyey cid Mucaarad ku ah iyaga fikirkooda.

ISHA/SB-MEDIA.