SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIR DEG DEG AH OO EY YEESHEEN GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir Gudoomiyey kulan deg deg ah oo ey yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ),shirka deg dega ah ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda Muqdisho maanta oo Talaada ah kuna beegan 2/1/24-ka. Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre,Reysal Wasaare Ku xigeenka JFS Md.Saalax Axmed Jaamac,Madaxweynaha Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaan,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Md.C/casiisa Xasan Maxamed(Laftagareen),Madaxweynaha Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye(QQ),Madaxweynaha H/shabeel Md.Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah duqa caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale). Ujeedada kulanka deg dega ah ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu jawaab cad ka bixiyo Heshiiska Isafgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya heshiiskaaso xadgudub ku ah Gobanimada dalka Soomaaliya. Golaha Wadatashiga Qaranka Markii uu arkay: (1)-Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaayo Gobonimada,Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awooda Xukuumadda Federaalka ee gelista Heshiisyo caalamiga ah iyo u hogaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurku Soomaaliya. (2)-Axdiyadda Qaramada Midoobe,Midawga Afrika iyo IGAD kuwaaso dhammaantood waajibinaayo inaan lagu xadgudbi karin madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan. Goluhu waxa uu saaray Qodobadaan: (1)-Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Dawaladda Federaalka Itoobiya ee Gobanimada iyo Midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. (2)-Golaha Wadatashiga Qaran waxa uu si buuxda u ayidayaa Mawqifka iyo Qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ey arrinkan ka qaadatay iyo xeerka uu soo saaray BJFS ee burinta waxa lagu tilmaamay is-afgarad dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawaladda Federaalka Itoobiya. (3)-Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda u garabsiinayaa Gudashada Waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aadan ilaalinta,dhawrista Gobonimada,sharafka iyo midnimada dhuleedka iyo dadeed ee dalkeyna. (4)-Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku baaqaayo in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ey joogaan (Gudaha iyo Dibadda) oo ey ugu horeeyaan dadka reer Soomaaliland iney u midoobaan dhawrista Gobonimada,Qaranimada Soomaaliyeed. (5)-Ugu dambeyntii Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku baaqayaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC),Ururka Midawga Afrika(OAU),Ururka Iskaashiga islaamka(OIC),Ururka Jaamicadda Carabta(ALO),Ururka IGAD,Ururka EAC iyo saaxibadda kale ee caalamka iney garab istaagaan xaqa Soomaaliya u leedahay ilaalinta Gobanimada iyo Midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

ISHA/VILLA SOMALIA.