SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIL KA DHACAY K/AFRIKA OO DAD KU DHINTAY.

SAWIRKA BAS KA MIDA LABADII BAS EE ISKU DHACDAY K/AFRIKA.

(SOUTH AFRICA)-Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacay shil aad u xun eyna ku dhinteen dad badan,laba bas ayaa isku dhacay oo ku socday Mossel Bay,lix qofood ayaa ku dhimatay eyna ku jiraan labadii darawal ee waday labada bas ee isku dhacday halka ey ku dhaawacmeen 32-qofood oo kale. Labada bas ee isku dhacday ayaa waxaa kala lahaay shirkadaha kala ah Intercape iyo William Coach Tours,Madax fulinta ee shirkada Intercape Johanna Fereiera ayaa sheegay in baskooda uu ka yimid Cape Town kuna socday East London,waxa uuna xaqiijiyey Mr.Johann inuu dhintay darawalka baskoodii iyo laba qofood oo ah dadkii saarnay baskooda.

ISHA WARKA 24-NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRISO.