SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHIINAHA DHISAAYO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-ADAN MADOOBE IYO DANJIRE WANG YU.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu,waxa eyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanda labada dal. Inta uu socday kulnaka ayuu Gudoomiye Adan Madoobe iyo Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu waxa ey ka wada hadleen sidii Dawaladda Shiinaha ey Baarlamaanka Soomaaliya uga caawini lahayd dhammaystirka dhismaha iyo Qalabeynta Xarunta Baarlamaanka. Danjiraha Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu soo jiray muddo aad u dheer hadane uu maraayo meel wanaagsan waxa uuna balanqaaday inuu sii dardar gelin doono xoojinta xiriirka labada dal. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Adan Madoobe ayaa Dawladda Shiinaha iyo Shacabkeed uga mahadceliyey taageeradda ey Soomaaliya siiyaan waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacy badan ku dhisan.

ISHA-BJFS.