SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHEEKH TAAGEERAY ALSHABAAB OO LA KEENAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-SHEEKH C/RAXMAN AXMED ROOBLE.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu iclaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud inuu la dagaalaayo kooxda AL-shabaab muddo hadda laga joogo ilaa sannad kooxdana laga saaray degaano aad u baaxad weyn ayaa waxaa isa soo taraayey tiradda dadka kooxda AL-shabaab fikir ahaan taageersan ee horay aan loo ogayn balse hadda banaanka yimid ka dib markii la wiiqay awooda ciidan,dhaqaale iyo fikir ee kooxda AL-shabaab. Bishii hore ayey ahayd markii uu ka soo hor muuqday Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed nin lagu magacaabo Sufyaan kaaso laga keenay dalka Kenya ka dib markii uu si aan qarsoodi lahayn uu warbaahinta uga taageeray AL-shabaab,waxaane la xukumay Sufyaan iyo ragii ku taageeray fikirkiisa. Maalmo ka hor waxaa degmada Heliwa ee Gobolka Banaadir Masaajid ku yaalo gudihiisa si aan gabasho lahayn kooxda AL-shabaab uga taageeray nin magaciisa la yiraahdo C/raxmaan Axmed Rooble,Sheekh C/raxman ayaa ka baxsaday caasimadda Muqdisho waxa uuna u cararay dhinaca Gobolka Galgaduud ee uu ka soo jeedo asal ahaan,C/raxmaan ayaa hadda waxaa loo soo gacangeliyey hayadaha amaanka ee Muqdisho ka dib markii laga soo qabtay degaan lagu magacaabo Garoon kaaso 40-kiilomitir Bariga kaga beegan caasiamadda Galmudug ee dhuusamareeb,waxaane ku socdo baaritaan la xiriira Muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid ku yaalo Heliwaa taaso uu taageero xoogan ugu muujiyey kooxda AL-shabaab.

ISHA/SB-MEDIA.