SHEEKH SHARIIF OO HANJABAAD HAWADA U MARIYEY MW-XASAN SHEEKH.
(SAWIRKA)-SHEEKH SHARIIF.
(GARAWE)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uuna eed u soo jeediyey MW-Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku tilmaamay MW-Xasan Sheekh inuu yahay nin ka shaqeynaayo Siyaasad ku dhisan Qabyaalad balse Sheekhu ma uusan sheegin Qabyaaladu tan ey tahay. Md.Sheekh Shariif ayaa sheegay wixii shalay ey wadajir u diidanaayeen isaga iyo Xasan Sheekh markii ey wada ahaayeen Mucaaradka dawaladdii Farmajo in hadda MW-Xasan uu wado wax ka culus midii Farmajo. Sheekha ayaa yiri “Shalay aniga iyo MW-Xasan iyo rag kale oo mucaarad ah halkaan ayaan wada taagneyn anagoo ka horjeedna Farmajo oo aan ku eedeyneynay hanaankii dorrashada dalka inuu afduubay qabiilnimo ma ahayn waxa aan ku diidaneyn” “Maanta wixii aan berigaas wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socdo,Dastuur ummadu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidaan rabo haleygu qoro,oo yaan layga farfareyn,cidna kalama tashanaayo”, “Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa haddii aan wax sax ahayn ey baarlamaanka mariyaan ma shqeyn doonto”ayuu yiri Md.Sheekh Shariif sheekh Axmed. “Waxaa intaas dheer inaan muddo sannad ah aan u caqli celineynay MW-Xasan inuu ka joogo wax eysan ummadda u dhammayn. Wax kasta waxa ey gaareen heerkii ugu hooseeyey oo qabyaaladii ayaa xoogeysatay” “Sidoo kale is aaminaadii ayaa hoos u dhacday waxaan leeyahay Madaxweyne ku soo laabo wadada saxda ah dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin wixii shalay aad diidaneed cid kaa yeelayso ma jirto”ayuu Sheekha hadalkiisa sii raaciyey isaga oo aad u caraysan.
ISHA/PP.