SHEEKH CALAW WAJIIS OO KASHIFAY SIR CULUS OO…
(SAWIRKA)-SHEEKH CALAW WAJIIS.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey Dawladda Federaalka Soomaaliya amartay in la baab'i’in doono Qubuuraha Iskoola Buluzio waxaa isa soo taraayey arrimo siyaasadeed oo aan shuqul ku leheeyn arrinta dawladdu ku dhaqaaqday,Siyaasiyiinta qaarkood ayaa fursad waxa ey ka dhex arkeen hawsha ey amartay Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa eyna bilaabeen iney ka soo muuqdaan Baraha Bulshadda Sida Facebook,Twitter(x) iyo TIkTok ayagoo siyaabo kala duwan uga hadlaayo arrinta Qubuuraha Iskoola Buluuzio,Siyaasiyiintaas waxaa ka mid ah C/raxmaan C/shakuur oo aan maalin ka maqnaan ka hadlid arrinta Qubuuraha isagoo ah Xildhibaan heer Federaal ah helina kara inuu shacabkiisa aragtidooda ka dhex sheego Golaha Shacabka ee uu xubinta ka yahay. Sheekh Calaw-Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Culimadda ka hadashay arrinta Qubuuraha ayuu C/raxmaan si gooni ah u weeraray waxa uuna ku talax tegay ka hadalka Culumadda isagoo og wax walba oo ku saasbsan Qubuuraha dhinaca Diinta Islaamka waayo C/raxmaan ayaa Diinta Islaamka ku soo bartay dalka Suudaan Imaam Masjidne ka soo noqday dalka Boqortooyadda Ingiriiska(UK). Hadaba maanta waxaa hadal culus oo lama filaan ah uu ka soo yeeray Sheekh Calaw Wajiis sheegayne in C/raxmaan C/shakuur yahay u adeege dawlad cadaw ku ah dawlad dhiska Soomaaliya,waane markii ugu horeysay uu qof Soomaali ah ku tilmaamo C/raxman C/shakuur inuu yahay u adeege dal kale taaso hadda sii balaarisay shakigii horay looga qabay in C/raxman C/shakuur yahay “Foreign Agent”balse aan la aqoon dawladda uu C/raxmaan ku daaban yahay mida ey tahay. Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Sheekh Calaw wajiis.
ISHA/CO.