SHEEKH ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KULA KULMAY JAMES SWAN.
(SAWIRKA)-ADEN MADOOBE OO QABILAY JAMES SWAN.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaasne ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Fedraalka Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Madoobe) uu Xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Md.James Swan. Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS uga mahad celiyey hawlaha la xiriiro sameynta Shuruucda muhiimka u ah dawladnimada Soomaaliya,wax uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u Eegista iyo dhammaystirka Dastuurka iyo Guulihii laga gaaray shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran. Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Md.James Swan ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Qorshaha Dawladda Soomaaliya ee ah in dalka laga qabto Doorasho Qof iyo Cod ah. Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahne Gudoomiyaha Golaha Shacabaka ee BJFS Md.Aden Madoobe ayaa uga mahad celiyey Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee QM Arrimaha Soomaaliya taageerada ey mar walba la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed,waxa uuna sheegay in dawladda Soomaaliya iney muhimad gaar ah siineyso in dalka ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah si dadka Soomaaliyeed talada gacantooda loogu celiyo isla markaasne iyagu doortaan hogaankooda.
ISHA-SNTV.