SHAQAALE TWITTER U SHAQEEYO OO BAXSAD AH.
AHMED ALMUTAYRI.
(KSA)-Shaqaale ka tirsan Twitter-ka ayaa ogolaaday ineey wada shaqeyn dhexmarto ayaga iyo saraakiil sare kana tirsan sirdoonka dalka Sacuudiga si loo ogaado akawntiyada eey leeyihiin dadka ka soo horjeedo ninka leh dhaxalka dalkaasi Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan(MBS). Xeerbeegsi Maraykan ah ayaa dembi ku helay nin u shaqeyn jiray Twitter ninkaas ayaa la yiraahdaa Axmed Abu Camu,Axmed ayaa asal ahaan ka soo jeedodalka Libnaan balse waxa uu haystaa dhalashada dalka Maraykanka,Axmed ayaa ku eedeysan inuu Sacuudiga u basaasay dad ka soo horjeedo oo mucaarad ah si dawladda Sacuudiga talaabo uga qaado. Waxaa jiro rag kale oo ayagana Axmed lana wadaago basaasnimada mucaaraddka Sacuudiga waxaane ragaas ka mid ah Cali Al-Zabarah iyo Axmed Al-Mutayri oo hadda baxsad ka ah cadaaladda waxaane baafineyso hayadda FBI-da Maraykanka.
ISHA WARKA WAKAALADO.