SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHAN XUBNOOD OO CUSUB OO KU BIIRAY…

(SAWIRKA)GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Marka laga hadlaayo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe waa inaan xusuusnaanaa in Goluhu ka kooban yahay laba qeybood oo kala duwan,Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo ah shan dal lehne Awooda diidmada Qeyaxan,wadamaadsi waxa ey kala yihiin”Maraykanka,Ruushka,Faransiisk,Shiinaha iyo Ingiriiska”. Laakinse waxaa jiro toban xubnood kale kana tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe balse aan ahayn xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobe, tobankaan xubnood ayaa waxaa u tartamo dawlado kala duwan kana soo kala jeedo shanta Qaaradood ee Adduunka,dawladihii ku guulaysto ayaa kursiga ku fadhiya muddo dhan laba sano ah,hadaba waa kuwee dawladaha uu dhammaday waqtigoodii ee daaqadda ka baxay yaase bedelkooda soo galay? Dalalka baneeyey kuraasta ayaa kala ah “Albaniya,Brazil,Gabon,Ghana iyo Imaaratka Carabta”,wadamada soo buuxiyey bedelkooda ayaa iyana kala ah”Aljeeriya,Guyana,Kooriyada koonfureed,Siiralyoon iyo Islofeeniya”xubnahaan cusub ayaa la soo doortay bishii juun-2013-kii waxa eyna xilkooda ka bilaaban doonaa 1/1/2024-ka waxa uuna ku ekaan doonaa 31/12/2025-ka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.