SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHACABKA MUQDISHO OO FARIIN ADAG U DIRAY ABIY IYO BIIXI.

(SAWIRKA)-BANAANBIXI UGU WEYNAAY OO MAANTA MUQDISHO KA DHACAY.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka dhacay banaanbax aad u weyn loogana soo horjeedo Xadgudubka dawladda Itoobiya ey ku sameeysay Madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.Reysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa horaantii bishaan Janaayo waxa ey magaaladda Addis Ababa ku wada gaareen Heshiis is-afgarad ah kuna saabsan in dalka Itoobiya laga kireeyo dhul badeed dhan ilaa labaatan kiilomitir,arrintaan ayaa xadgudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya waxa eyna ka soo horjeedaa sharciyadda caalamiga ah iyo kuwa heer Goboleed. DFS oo dadaal adaga ugu jirto sidii ey uga hortegi lahayd arrintaan ayaan maanta soo abaabushay banaanbaxaan weyn ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

.