SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SHABAKAD ALSHABAAB AH OO LA SOO QABTAY.

(SAWIRKA)-HAYADDA NISA.

(MUQDISHO)-War aan iminka inaga soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in dawladda Federaalka Soomaaliya ey ku Guuleysatay iney gacanta ku soo dhigto shabakadii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL ee nagaaladda Muqdisho todobaadkii inaga tegay. Hayadaha amaanka ee DFS oo gacanta ku haayo gal baariseedka weerarkii naf la caariga ahaay ey Alshabaab ku qaaday Hotel-ka SYL ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa suuragal noqotay in gacanta lagu soo dhigo 16-eedeysane oo la sheegay iney ku lug lahaayeen weerarkaas. Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Suggidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay iney soo qabato Cabdinasir Dahir Nuur oo ah shaqsigii suurtageliyey in magaaladda Muqdisho ey soo galaan gawaaridda falka argagixiso lagu gaystay. Sidoo kale dadka la soo qabtay waxaa ka mid ah ilaa afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada gaari labada gaari ey Alshabaab u adeegsadeen weerarka Hotel SYL. Waxaa kaloo ey baaris ku socotaa shan xubnood oo ka tirsan ciidanka amaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed kuwaaso ka shaqeynaayey baraha baarista ee Alshabaab ey ka soo gudbeen. Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa cadeymo dhammaystiran kuwaaso muujinaayo dhagarta shabakadan Alshabaabka ah iyo ka gubgaarka hayadaha baarista. Dhammaan shabakada Alshabaabka ah ee la qabtay iyo eedeysanayaasha kale ee loo haysto kiiskaan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh oo ah tan ciidamadda waxa eyna ka soo hor muuqan doonaan Cadaaladda.

ISHA/NISA.