SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

S/GUUTO CABDALLA CABDALLA OO DIB U HELAY….

CABDALLA CABDALLA.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-ka waxa uu bilaabay inuu fuliyo balanadii uu qaaday haddii loo doorto inuu noqdo madaxwenaha tobonaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,balan oofintii ugu horeeysay uu sameeyey MW-Xasan sheekh ayaa ahayd booqashadii uu ugu tegay ciidamaddii la la’ay warkooda tan iyo markii loo qaaday dalka Eritereeya kuwaaso tiradooda lagu sheegay ineey dhammaayeen 5000-askeri oo u badan dhallinyaro,waxa uuna MW-Xasan ku guuleystay inuu isku soo xiro waalidiintii dhashay caruurta loo qaaday Eritereeya iyo caruurtooda waxayne taasi farxad aan kala go’o lahayn ku abuurtay dhammaan waalidiintii dhashay caruurtaas. Balan oofintii labaad ee uu sameeyey MW-Xasan sheekh ayaa ahayd markii uu darajadiisii ciidan iyo xuquuqdiisii uu dib ugu soo celiyey Taliye Saadaq Cumar Xasan(Saadaq Joon) kaaso uu darajadiisa ka xayuubiyey MW-hore Farmaajo isagoo eysan xukumin Maxkamad,hadaba maanta oo ah Talaado kuna beegan 30/8/22-ka waxa uu MW-Xasan soo saaray dikireeto uu darajadiisa iyo dhammaan xuquuqdiisa ciidan dib ugu soo celinaayo S/Guuto Cabdalla Cabdalla kaasoo ahaay taliye ku xigeenkii haydda Sirdoonka qaranka ee NISA,S/Guuto Cabdalla ayaa xilkiisa iyo darajadiisa ku waayey ka dib markii eey isqabteen milkiilihii dawladdii Farmajo Fahad Yaasiin,arrinta la isku qabtay ayaana ahayd in Fahad u qoray hayadda NISA rag ka tirsan Alshabaab taasne halis eey ku tahay shaqada hayadda NISA.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

HALKAAN KA SII AKHRI.