SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

S/GAAS.ODAWAA OO SI RASMI AH XILKA ULA…

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO LABADA TALIYE ODAWAA IYO IBRAHIM.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maant xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas.Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyihii hore S/Gaas.Ibraahim Sheekh Muxyadiin. Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ey ciidamadu xureeyeen degaano fara badan ey kooxda Alshabaab haysatay,wuxuuna Reysal Wasaare Xamse sheegay in Taliyaha cusub laga doonaayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xoreynaayo kooxda Alshabaab iyo kooxaha kale ee nabad diidka ah,isagoo tilmaamay iney muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee Ciidamadda Qalabka Sida,la wareegidda Amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigelyo waxyaabaha maanka dooriyo. RW-Xamse ayaa xusay in dalka la gaarsiiyey horumar dhinacyo badan leh ey dawaladda Soomaaliyeed ku talaabsatay intii ey xukuumadaan jirtay oo ey ka mid yihiin Qaadistii Cunaqabateyntii hubka,taaso ku timid dadaalka badan ey bixisay XFS,ku biiristii Ururka Bulshada Bariga Afrika iyo inaan Xubin ka noqono Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,eyna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.