SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

S/GAAS AXMED NAASIR MA NOQON DOONAA MADAX INTERPOL?

(DUBAI,UAE):Waxaa maalmahaan caalamka ka socday hadalhaynta cidda noqonaysa madax booliska caalamiga ah ee INTERPOL,booskaan ayaa hadda waxaa isu soo sharaxay taliyaha booliska dalka Imaraatka Carabta S/Gaas Axmed Naasir Alraysi,sarkaalkaan ayaa si aad ah ugu dhaw Rayasal wasaaraha Imaaratka Carabta ahne madaxa Imaaradda Dubai Maxamed Bin Raashid waxaane jirto mucaaradad aad ba’an oo looga soo horjeedo in S/Gaas Axmed qabto xilka Interpol,mucaaradada teeda u xoogan ayaa waxa eey ka timid nin u dhashay dalka Ingiriiska laguna xiray Dubai muddo dhan lix bilood,ninkaan ayaa sheegay mudadii uu xirnaay in la jirdilay loolana dhaqmay si aad u fool xun,ninkaan Ingiriiska ah ayaa la yiraahdaa Matthew Hedges waane 34-jir waxbartay shaqana u tegay dalkaas Imaaraatka Carabta balse la xiray markii uu tegay halkaas sannadkii 2018-kii,hadaba waxaa hadda soo shaac baxay qoraal sir ah oo la helay kaaso u dhexeeyo siyaasiyiin Ingiriis ah oo ku hawlan sidii S/Gaas Axmed looga dhigilahaay madaxa Interpol masuuliyiintaan u dhalatay Ingiriiska ayaa lagu tuhmaa ineey qaateen laaluush sidaas darteedna qalqaalo ugu jiraan sidii S/Gaas Axmed loogu fariisin lahaay kursigaas.Dalka Imaaraatka waxa uu ku guulaystay in dalka Suuriya dib loogu soo celiyo xubinimadeedii Interpol waane loo soo celiyey,hadaba Imaaraatka maku guulaysan doonaa in S/Gaas Axmed noqdo madax Interpol oo la dooran doono todobaadyadda soo socdo?XIGASHO DAILY MAIL.

HALKAAN KA SII AKHRISO.