SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SEPP BLATTER IYO PLATINI OO LAGU DHEGAN YAHAY.

(SWITZERLAND):In ka badan lix sano markii xilka musuq looga qaaday madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta adduunka(FIFA) Sepp Blatter iyo nin la xulafa ahaay Micheal Platini ayaa ku eedeysan ineey sameeyeen khiyaano sida eey shegeen masuuliyiin dalka Switzerland maanta oo Talaada ah(2/11/2021)-ka,labadaan nin ayaa si khiyaano ah waxa eey u lunsadeen lacag dhan laba milyan oo doolarka Maraykanka ah($2,000,000).

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Switzerland ayaa Blatter ku eedeeyey inuu si sharci darra ah u siiyey Platini lacag dhan laba milyan oo doolar(2,000,000)sannadkii 2011-kii waqtigaaso Platini ahaay madaxa xiriirka kubadda cagta ee qaaradda yurub ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(UEFA).Ku eedeynta dembiyo khiyaano,dembiyo maamul xumo iyo been abuur ayaa baaritaankoodu qaatay waqti dheer taaso soo bilaabatay sannadkii 2015-kii ka dib markii garsoorayaal ka socday dalka Maraykanka eey dib u eegid ku sameyeen musuqii ka dhacay xiriirka kubadda cagta adduunka(FIFA) labaatankii sano ee la soo dhaafay.XIGASHO NYT.

HALKAAN KA SII AKHRI