SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SENITAR MARAYKAN AH OO LAGU HELAY INUU QAATAY…

(SAWIRKA)-SENITAR BOB MENENDEZ.

(NEW YORK)-Xeerbeegti heer Federaal ah oo fadhigoody yahay Gobolka New York ee dalka Maraykanka ayaa Senitar Bob Menendez ku helay Talaadada maanta ah dembi ah inuu qaatay boqolaal kun oo dolar oo Laaluush ah iyo inuu u dhaqmay sida wakill Ajnabi ah oo aan diiwaan gashaneyn. Xeerbeegtida ayaa la sheegay iney ka doodeen seddex maalmood ka dib dhegaysiga Senitar sare oo socday sagaal todobaad,ugu dambeyntiina waxaa lagu helay dembiyadda dhammaan 16-kii eed ee ka dhanka ahaa. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey Menendez, oo 70-jir ah inuu Laaluush ka qaatay seddex Ganacsade oo reer New Jersey ah kalana ah Fred Daibes, Waa’il Hana iyo Jose Uribe oo ey ku jiraan Dahab,bixinta amaahda guryaha baabuur nuuca raaxada ah iyo in ka badan $480-kun oo lacag cadaan ah,lacagtaas Sentar Menendez looga bedeshay inuu axsaan u sameeyo raga bixiyey lacagta,wuxuuna u sameeyey difaac shaqsi shaqsi ah eedeyn kaga imaaneysay dacwad oogayaasha iyo inuu si sharci darra ah xafiiskiisa uga faa’iideysto dawladaha Masar iyo Qadar.

ISHA/AA.

SII AKHRI.