SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SENIGAL IYO MAROOKO OO U SOO GUDBAY…

KOOXDA SENIGAL.

(ALGERIA)-Tartanka kubadda cagta ee Xulalka Qaranka ee Qaaradda Afrika ee da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano,tartankaan ayaa si habsami ah waxa uu uga socdaa dalka Aljeeriya waxa uuna hadda marayaa gabgabo waxaane maanta dhacay kulamo ey isaga horyimaadeen kooxaha Marooko Vs Aljeriya(3-0) waxaa ku guulaystay xulka dalka Marooko,seddexda gool ee laga dhaliyey xulka Aljeeriya ayaa waxaa kala dhaliyey Zakariye Wazan daqiiqadii 28-aad iyo daqiiqadii 57-aad isla Zakariye ayaa dhaliyey goolkii labaad halka goolka seddexaad uu dhaliyey Adam Shakir daqiiqadii 86-aad,sidaan waxaa ku soo baxay xulka dalka Marooko kana mid noqon doono afarta dal ee Qaaradda Afrika ku meteli doono Koobka adduunka ee U-17. Kulanka kale ee isna maanta dhacay ayaa waxa uu dhexmaray xulalka Senigal Vs K/Afrika(5-0) waxaa ku adkaaday xulka dalka Senigal,shanta gool ayaa kala dhashay daqiiqadaha 36-aad,39-aad,44-aad,54-aad iyo 72-aad,sidoo kale Senigaal ayaa u gudbay koobka adduunka ee U17 kaaso weli aan la soo sheegin dalka martigelin doono ka dib markii laga soo wareejiyey dalka Peru. Kulanada berri oo Khamiis ay(11/5/23)-ka dhici doono ayaa waxaa isaga hor imaan doono xulalka: Mali Vs Kongo,labadaan kii soo baxa ayaa la cayaari doono xulka dalka Marooko,cayaarta kale waxaa wada cayaari doono xulalka Nigeria Vs Burkino Faso,labadaan kii soo baxa ayaa la cayaari doono xulka dalka Senigaal oo hadda isaga iyo Marooko ey wada joogaan Semi-Finalka,labada kulan ee berri dhecayso ayaa lagu kala cayaari doonaa garoomada 19-May-1956 waxaa ka dhacaay kulanka hore halka kulanka labaad uu ka dhacaayo Nelson Mandela,waqtiga ey kala dhacayaan ayaa kala ah 17:00-pm waqtiga Aljeriya iyo 20:00-pm waqtiga Aljeeriya.

ISHA WARKA SB-MEDIA.