Senator ayuub..
Gudoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi ayaa waxa uu soo saaray qoraal uu ku sheegaayo in qoraalkii uu saxiixay lagu sameyey been abuur,gudoomiyaha ayaa isbarbardhigay labadii qoraal kii asliga ahaay iyo kii been abuurka ahaay waxaane meesha ka cad in wax la bedelay sida Labada Aqal oo laga saaray meelo badan oo ka mida qoraalka asliga ah,been abuurka ayaa dhacay ka dib markii uu gudiga isku dhafka ah soo saaray go’aankii howsha loo igmaday eeyna saxiixeen labad gudoomiye kan aqalka sare, kan aqalka hoose iyo gudoomiyaha gudiga isku dhafka ah xildhibaan Ibraahim yaraw. Gudiga ka socday labada aqal ayaa ka koobnaay 10-xildhibaan(Aqalka hoose) iyo 7-Senitar(Aqalka Sare) waxa eeyna gudoomiye u doorteen xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaraw gudoomiye ku xigeena senatirad Jawaahir Axmed Cilmi,wax ka bedelka qoraalka gudiga waa mid uu sameeyey gudoonka golaha shacabka mudane Maxamed Sh.C/raxmaan Mursal iyo Mudane C/weli Sh.muudeey waane uu la ogyahay gudoomiyihii gudiga isku dhafka ahaay ee labada aqal xildhibaan Ibraahim Yaraw waayoo haddii qoraalkii gudiga ka soo baxay isaguna ku saxiixan yahay waxna laga bedelay waxay ahayd inuu isla markiiba joojiyo u qeybinta xildhibaanadda si eey uga doodaan laakinse taasi ma aysan dhicin oo qoraalkii been abuurka ahaay ayaa loo qeybiyey xildhibaanadda waxa eeyna guda galeen ka doodii afartii qodob ee uu soo saaray gudiga isku dhafka ah, dembiga arrintan ka imaan kara ayaa waxaa dusha u ridan doona gudoomiyaha golaha shacabka Xildh.Mursal,gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Xildh.C/weli Sheekh Muudeey iyo gudoomiyaha gudiga isku dhafka ah Xildh.Ibraahim Isaaq yaraw waxaane xusid mudan in seddexdaan masuul yihiin kuwa isku degaan doorasha ah oo waxa eey ka wada yimaadeen maamul goboleedka Koonfur galbeed. Senotar Ayuub Ismaaciil yuusuf iyo Senitor Jawaahir Axmed Cilmi ayaa waxa eey shir jaraa’id ku qabteen magaaladda Muqdisho waxa eeyna weerareen gudoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi,masuuliyiintaan ayaan soo bandigin wax muujinaayo inaan wax laga bedelin qoraalkii eey soo saareen gudiga isku dhafka ah eey senitor Jawaahirne ka ahayd ku xigeenka,waane nasiib darro in senitaro ka tirsan aqalka sare qabtaan shir jaraa’id ayagoo aan heyn wax cadeeyn ah oo muujinaayo in hadalka gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi yahay been waxaase meesha ka cad in Villa somalia ku lug leedahay arrintaan daaha gadaashiisane wax ka maamulayso waayo mudane Cabdi Xaashi waxaa villa-da looga arkaa cadaw ka soo horjeeda danahooda ku aadan doorashadda 2020/2021. Arrinta u baahan in la xuso ayaa ah in madaxweyne Farmaajo yahay shaqsi eey u sahlan tahay isku qataaridda dadka eey wada shaqeeynta ka dhexeeyso tusaale ahaan isqabqabsigii ka dhex qarxay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa,R/W-khayre iyo ku xigeenkiisa hadane waxa uu ka shaqeeyey in eey isku qataarmaan beelaha eey ka soo kala jeedaan gudoomiye Cabdi Xaashi iyo senitar Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ku beel ah wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka soomaaliyeed wasiir Beeyle. Senitar Ayuub ayaa ah shaqsi lagu soo shubay waxa aad buuxinaysaa booska Cabdi Xaashi ka dib marka xilka laga qaado taasne waa riyo maalmeed eey gadaal ka taagan tahay villa-da oo aan caga badneeyn.Sawirka idiin muuqda waa Ayuub iyo Jawaahir iyo senitaro kale.