SEDDEX SIYAASI OO KA HORYIMID QODOBADII…
(SAWIRKA)-QORAALKA MUCAARADKA.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud taariikhdu markey ahayd 15/5/2022-kii isna uu soo magacaabay Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre lana magacaabay xubnaha Golaha Wasiiradda ee Dawaladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si tartiib ah u bilawday Mucaaradad ey horboodayaan Siyasiyiinta MW-Xasan kula jirtay isbahaysigii la magac baxay Badbaado Qaran eyna ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Xasan Cali Khayre iyo Siyaasi C/raxmaan C/shakuur. Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka koobnaay siyaasiyiin fara badan ey ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore Dawladda Goboleedka K/Galbeed Md.Shariif Xasan Sheekh Aden, Madaxweynihii hore ee Dawaladii ku meel gaarka ahayd Md.Sheekh Shariif Sh.Axmed, Reysal Wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas iyo siyaasiyiinta kala XIL.C/raxmaan C/shakuur iyo XIL.C/qaadir Cosoble. Hadaba maanta oo Talaada ah kuna beegan 30/10/24-ka ayaa waxaa la soo gabgabaeeyey Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhawaanahaan uu hakad galay, Qodobadii laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka horyimid seddex Siyaasi iskuna heyb ah kuna heyb ah Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud kalana ah”Sheekh Shariif Sh.Axmed, Xasan Cali Khayre iyo C/raxmaan C/shakuur”,waxaa hadaba in la is-weydiiyo mudan xagee ayey u kala yaaceen Mucaaradka intiisii kale?. Inta badan Mucaaradka DFS leedahay ayaa ah kuwa kala Maan ah kalana wata ajandooyin kala gedisan eyna ka marneyn gacmo shisheeye, in seddex ka soo hartane waxaa leh sababteed Madaxweynaha Dawaladda Puntland Siciid C/laahi Deni oo inkiray jiritaanka siyaasadeed ey leeyihiin qaar ka mid ah Mucaaradka DFS iyo kulankii MW-Farmajo iyo MW-Sheekh Shariif ee ka dhacay dalka Turkiga, isku soo wada duub hadda waxaa DFS Mucaarad muuqda soona taagan seddex kaliyah kuwaaso maanta soo saaray Qoraal aan saxiixneyn shakina abuuray.
ISHA-SB-MEDIA.