SARLAAK MARAYKAN AH OO ISKU GUBAY…
(SAWIRKA)-BANAANKA HORE EE SAFAARADDA ISRAEL EE WASHINGTON D.C.
(WASHINGTON)-Xubin ka tirsan Ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka oo isku gubay banaanka safaaradda Isra’iil isaga oo ka soo Horjeedo “XASUUQA GAZA” ayaa ku dhintay Isbitaalkii la geeyey. Aaron Bushnell oo ah 25-jir ahne xubin aad u firfircoon oo ka tirsan Ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka ayaa shalay oo Axad ahayd is gubay isagoo ka mudaaharaadayey “Xasuuq Gaza”. Aaron Bushnell ayaa yiri” Ma sii ahaan doono mid ku lug lahaan doono Xasuuq,waxaan doonayaa inaan sameeyo fal mudaaharaad ah oo xad dhaaf ah,laakin marka la barbardhigo waxa ey dad reer Falastiin kala kulmayaan gacanta dawladda Isra’iil ,ma aha wax aad u xun. tani waa mid ey go’aansadeen kuwa talada haayo inuu caadi ahaan doono” waa hadalkii ugu dambeeyey Bushnellka hor inta aanuu is gubin maalintii shalay oo Axad ahayd.
ISHA/AA.