SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SARKAAL SARE OO UGANDHA AH OO KU DHINTAY…

(SAWIRKA)-CIIDANKA UGANDHA EE KA TIRSAN ATMIS.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Ugandha ee ka hawlgala Soomaaliya la dilay lana dhaawacay lix askeri oo kale ka dib markii Kolonyo ey la socdeen ey ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay. Dalka Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ilaa shan ku askeri kuwaaso ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS. Gaashaanle Patrick Opio Away ayaa lagu dilay Qaraxa ka dhacay Tuuladda Ceel Wareegaw oo qiyaastii 70-kiilomitir Koonfur Galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho maalintii shalay oo Axad ahayd,sida uu sheegay brahim Kasule Sekitto oo ah afhayeenka Ciidanka Ugandha. G/le.Patrick ayaa la socday Kolonyadda taaso ka ambabaxday magaaladda Muqdisho kuna sii jeeday degaanka Cee Jaalle ee Gobolka Sh/hoose,sida uu Sekitto u sheegay Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee Reuters. “Weerarkaan nagama celin doono,taas bedelkeedana waxa uu adkayn doonaa go’aankeyna ah inaan sii wadno taageeradda dadaaladda Nabadda ee Soomaaliya”ayuu yiri brahim. Kooxda Alshabaab ayaa in ka badan 10-sano waxa ey u dagaalmayeen sidii ey u dumin lahaayeen dawladda dhexe ee dalka Soomaaliya isla markaasne ey Soomaaliya ku soo dabaali lahaayeen xukunkooda Xgajirka ah ee ka fog shareecadda Islaamka. Weerarka shalay ka dhacay G/shabeeladda Hoose eyna ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka Ugandha ee ka tirsan Atmis ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab,tirada dhimashadda ayey kooxdu ku sheegtay ilaa seddex askeri balse ma eysan sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka Ugandha.

ISHA/EA.