SARKAAL LAGU DILAY DEGAANKA XAAJI CALI.
(SAWIRKA)-AUN-TALIYE C/QAADIR MAXAMED xAASHI”JUUQLAAWE”.
(CADALE)-Wararka ka imaanayo degmada Cadale ee Gobolka Shabeeladda dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay dagaal ka soo bilawday dil loo gaystay nin lagu magacaabi jiray Cumar Cali Odey kana soo jeedo Beesha Cabdalla Caroone Harti Abgaal, waxaane sida la sheegay dilka gaystay rag ka soo jeedo Beesha Agoonyar Gaabane,degaanka uu dilka ka dhacay habeenkii xalay ayaa ah XAAJI CALI kana tirsan degmada Cadale. Arrintaan ayaa waxaa ku baxay ciidamo uu Hogaaminaayo Taliyaha Daraawiishta H/shabeele Laba Xidigle C/qaadir Maxamed Xaashi kuna magac dheer “JUUQLAAWE”waxa eyna gaareen goobtii lagu dilay Cumar Cabdi Odey,waxaane goobta ka socotay aaska marxuumka la dilay,AUN Taliye Juuqlaawe oo degaanka u joogay nabadeynta dadka walaalaha ah ayaa waxaa Toogasho ku dilay nin ka mida maleeshiyadda beesha Cabdalla Caroone oo hubaysnaay waxane isne goobta ku toogtay askartii la socotay Taliye Juuqlaawe,waxaane faraha ka baxay amnigii aaga uu ka socday aaska marxuumkii xalay la dilay, is rasaaseynta dhexmartay maleeshiyadda beesha Cabdalla Caroone iyo Ciidanka Daraawiishta ayaa galaafatay hooyo lagu magacaabo Xaliimo Xasan kana mid ah dadka degaanka Xaaji Cali,dadka ku geeriyooday degaanka Xaaji Cali ayaa gaaraayo ilaa seddex Qof waxaane ku dhaawacmay ilaa afar kale. Dhinaca kale,waxaa warbaahinta madaxa banaan ka hadlay Xildhibaan Geedi Oomane oo ah Xildhibaanka Beesha Cabdalla Caroone ku metela Baarlamaanka H/shebeele,Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyey dhibaatadii ka dhacda Xaaji Cali waxa uuna DFS ka codsaday iney sameyso baaritaan la xiriira sida ey wax u dheceen,waxaa sidoo kale isna warbaahinta la hadlay Nabadoon Axmed waxa uun Tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay wixii ka dhacay Xaaji Cali,waxa uuna Nabad Doonka dalbaday Baaritaan dhab ah iney sameyso DFS. Dagaal beeleedyadda ku soo noqnoqday degaanada hoostaga degmada Cadale ayaa intooda badan salka ku haayo dhul ka dhexeeyo dad walaala ah oo wada dhashay,labada beelood ee hadda dilku ka dhex dhacay waxa ey kuwada Abtirsadaan Harti Abgaal oo waa curadka Beel Weynta Mudulood/Abgaal,waxa ey leeyihiin Siyaasiyiin uu ugu caansan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali iyo Wasiirkii hore ee Amniga hadana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee BJFS Md.Maxamed Abuukar Islaw,saraakiil ciidan uu ugu caansan yahay Gen.Odawaa taliyihii Hore ee CXDS,iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koobaad ee CQS G/sare.Shuute, hadane ma aha mid muuqdo wax galkooda dhinaca Nabadeynta dadka wada dhashay ee wada dega halka degaan.
ISHA/SB-MEDIA.