SARAAKIISHII XALAY LAGU WEERARAY DEGMADA B/DHEEERE EE G/BANADIR.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in habeenkii xalay ey degmada Boondheere ka dhacday is-rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac,warar hordhac ah ayaa sheegaayo in is rasaaseynta ey dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka kala tirsan Hayadda NISA ee loo yaqaano GAASHAAN iyo kuwa ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Sida ey sheegeen dad goobjoogayaal ah Ciidamadda ka socday Hayadda NISA ee Gaashaan ayaa waxa ey weerar ku qaadeen guri uu iska leeyahay Taliyaha Guutadda Gumuc ee XDS Sayid-Cali Cabdi Cadde waxaane waqtiga uu dhacayey weerarka Qorsheysan isna guriga taliye Sayid-Cali ku sugnaay Taliyaha Ururka 3-aad,Guutada 25-aad ee Cumar Binu AL-khadhaab, Taliye Abshir Guutaale,labadaan sarkaal ayaa ka mid ah saraakiisha CXDS ee kooxda Alshabaab ka saaray H/shabeele iyo qeybo ka mid ah maamulka G/mudug ee bartamaha Soomaaliya. Nin sheegtay inuu yahay Caaqilka Dhallinyaradda Beesha Mudulood oo waraysi siiyey Tv-ga SYL ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Guriga Sayid-Cali Cabdi Cadde uu ahaay mid Qorsheysan lana doonaayey inu lagu khaarijiyo saraakiishii halkaasi ku sugneed,waxa uuna caaqilku tilmaamay iney jiraan dhaawacyo soo gaaray saraakiishii la soo weeraray sida Sayid-Cali oo hadda dhaawac ahaan u yaalo isbitaaladda Magaaladda Muqdisho mid ka mid ah,dhinaca kale,Caaqilka dhallinyarada Beesha Mudulood ayaa dhaliil adag waxa uu u soo jeediyey Gudoomiyaha G/Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(MADAALE),waxa uuna caaqilku ku sheegay in Madaale uusan u imaan kuna soo bixin wixii xalay ka dhacay Degmada B/dheere ee G/banaadir,caaqilka ayaa codsi u diray MW-Xasan sheekh waxa uuna ka codsaday in Gudoomiye Madaale xilka laga qaado bacdamaa uu ku fashilmay wax ka qabashadda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
ISHA/SB-MEDIA.