SAMBALOOSHE OO LA HADLAY ODAYAASHA…
(SAWIRKA)-AGAASIME SAMBALOOSHE .
(MOQOKORI)-Tan iyo markii la dilay askar ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed gudaha degaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee maamulka Hirshabeele, waxaa soo baxaayey warar kala duwan kuna saabasan dilka askartaasi. Dilka askarta ayaa waxaa ku baxay Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Md.C/laahi Maxamed Cali “Sambalooshe”iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS S/Guuto.Sahal C/laahi Cumar,ujeedka masuuliyiinta gaartay Jawhar ayaa ahaa in gacanta lagu soo dhigo dadkii gaystay dilka askarta si loo Maxkamadeeyo. Agaasimaha Sambalooshe ayaa u gudbay degmooyinka Gobolka Hiiraan waxa uuna soo maray Degmada Maxaas,waxa uuna hadda ku sugan yahay Degmada Moqokori ee isla G/Hiiraan. Agaasime Sambalooshe oo ku sugan degmada Moqokori ayaa Odayashaa dhaqanka ee degamada Moqokori ka codsaday in dilka askarta aan loo rogin Qabiil askartane aan loogu yeerin iney qeyb ka noqdaan dagaal qbiil, arrinta ka dhacday Ceel-Barafne waxa uu sheegay Sambalooshe iney tahay mid u taalo DFS. Agaasime Sambalooshe iyo Odayaasha Dhaqanka ee Moqokori ayaa isku raacay in la aaso meydadka askarta lagu dilay Ceel-Baraf isla markaasne la aado degmada B/weyne halkaso ey ku sugan yihiin Madax dhaqameed iyo Saraakiil sare kana socoto DFS.
ISHA-SB-MEDIA.