SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SAFIIRO LA MAGACAABAY MAANTA…

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIRADA.

(MUQDISHO)-Shirkii todobaadlaha ahaay ey yeelan jireen Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu shir Gudoominaayey Reysal Wasaare ku xigeenka DFS Md.Saalax Axmed Jaamac,shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada. Kulanka Golaha Wasiiradda ee dhacay maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa lagu Ansixiyey 10-Safiir oo dalkeyna uga hawlgeli doono qaar ka mid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblomaasiyadeed,Safiiradda la magacaabay lama sheegin Safaaradaha ey ka hawlgeli doonaan balse waxaa la sheegay magacyadooda waxa eyna kala yihiin: (1)C/casiis Maxamuud Maxamed(Farabadane). (2)-C/lahi Maxamed Sh.C/lahi. (3)-Cali Cabdi Awaare. (4)-Cali Maxamed Abukar(Cali Wolf). (5)-Bashiir Xasan Xaaji. (6)-Fathudin Cali Maxamed. (7)- Xuseen Cabdi Xalane. (8)-Khadiija Cosoble Cali. (9)-Khadra A.Ducaale. (10)-Ridwan Xirsi Maxamed. Golaha Wasiiradda ayaa meel mariyey Habraaca dhaqangelinta Xakamaynta Hubka,Rasaasta,iyo Waxyaabaha Qarxa,taaso lagu xakameynayo dhibaatooyinka ey sababaan Hubka iyo Qaraxyada sida sharci darada ah loo adeegsado. Waa talaabadii ugu horeysay ey qaado dawladda Xasan Sheekh oo isbedel ku sameysay Safiiradda ey Soomaaliya ku leedahay Caalamka.

ISHA/SB-MEDIA.