SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SAFIIRKA SWEDEN EE SOOMAALIYA OO BOOQDAY WASAARADDA…

(SAWIRKA)-WASIIRAD KHADIIJA IYO SAFIIRKA SWEDEN.

(MUQDISHO)-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xauquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwa.Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi ayaa maanta Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka dalka Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire.JOACHIM WAEM. Kulanka waxaa Wasiiradda ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS Md.Maxamed Bashiir Cumar iyo khubarada Wasaaradda,kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo laba jibaari lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Dawladda Sweden iyadoo la iska kaashanaayo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS Marwa.Kagdiija oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaraddu ey ka go’an tahay ka qeybgelinta dumar ee arrimaha bulshada iyadoo la iska kaashanaayo sidii dumarka Soomaaliyeedey kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen Horumarinta Kaabayaasha Bulshada. Sidoo kale, Wasiirad ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi ka socdo Sanduuqa Qaramada Midoobe ee Hawlaha Dadweynaha(UNFPA) oo ey Hogaaminaysay sii hayaha Wakiilka Sanduuqa Qaramada Midoobe ee Hawlaha Dadweynaha(UNFPA) Dr.Mary Otieno Sii. Wasiirad Khadiija oo kulanka ka hadashay ayaa soo dhaweysay shaqooyinka muhiimka ah ey Hayadda UNFPA horay ugu qabatay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxa eyna ku dhiirigelisay sidii loo sii laba jibaari lahaa wada shaqeynta ka dhexeyso.

ISHA-SNTV.