SAFIIR DOODISHE OO LAGA GUDOOMAY WARAAQIHII AQOONSIGA.
(SAWIRKA)-SAFIIRKA SOOMAALIYA EE DALKA QADAR Md.Doodishe.
(DOHA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in EX-Wasiir Maxamed Axmed Sheekh Cali(Doodishe) uu maanta oo Sabti ah uu Warqadihiisii aqoonsiga ee Safiirnimo u gudbiyey Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibadda dalka Qadar Sultan Bin Sacad AL-Mureykhi,Munaasabada Waraaqaha looga gudoomaayey EX-Wasiir Doodishe ayaa waxa ey ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ee caasimadda Dooxa waxaane munaasabadda goob joog ka ahaay masuuliyiin ka tirsan Waaxda Hab maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Qadar. EX-Wasiir Doodishe ayaa waxa uu ka mid yahay Safiiro cusub ey DFS u kala magacawday Safaarado kala duwan kuna kala yaalo daafaha caalamka sida Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo loo magacaabay Md.Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah siyaasi da’ayar in mudda ah ka soo shaqeeyey hawlaha bani’adnimo ee dalka Soomaaliya.
ISHA/GARAWE.