SAFIIR AUSTRIA U DHASHAY KUNA LUG YESHAY DILKII JAAJUUSKI RUUSHKA EE LONDON.
(AUSTRIA):Diblomaasi Awsteeriyaan ah ayaa waxaa soo food saaray dhibaato ka dib markii la helay dukuminti sir ah lana xiriiro dilki London loogu geeystay Jaajuuskii u dhashay Ruuska una adeegaayey Ruushka iyo Ingiriiska(Double Agent) kaaso la sumeeyey sannadkii 2018-kii.Johannes Peterlik oo ahaay safiirka Awsteeriya ee dalka Indoniisiya ayaa xilkii safiirnimo waxaa laga qaaday bishii oktoobar si loo horgeeyo maxkamadda taaso eey ka furan tahay dacwad lid ku ah Johannes,sidaas waxaa wakaaladda wararka Faransiiska ee (AFP) u shegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Awsteeriya,wasiirka ma uusan bixin xog intaas dhaafsan.Safiir Johannes ayaa ahaay u adeegaha bulshada kan ugu sareeyo gudaha wasaaradda arrimaha dibadda mudadii u dhexeeysay 2018-kii ilaa 2020-kii.XIGASHO WAKAALADAHA.