SAFAARADDA TURKIGA OO TABABARTAY SUXUFIYIIN.
(SAWIRKA)-WASIIR IYO SAFIIRKA TURKIGA OO KA QEYBGALAY XIRITAANKA TABABAR.
(MUQDISHO)-Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiisa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray Tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaay Istaraatiijiyadda Warbaahinta ee ka Hortaga Wararka Been Abuurka iyo Wararka sida khaldan loo tebiyo. Tababarkaan ayaa waxaa ka faa’iideystay ilaa 20-Suxufi iyo Masuuliyiin ka kala socday Hayadaha Warbaahinta dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaane iska kaashaday Wasaaradda Warfaafint,Dhaqanka iyo Dalxiisa ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaaladda Muqdisho. Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray sidii Wariyeyaasha iyo Madaxda Warbaahinta loo bari lahaay xirfad sare oo tayo leh lana xiriirta ka hortaga wararka been abuurka ah iyo in bulshada loo jiheeyo tubta toosan ee wax dhista. Wasiir Da’uud ayaa uga mahad celiyey Dawladda Turkiga taageeradda tababarkaan muhiimka ah. “Waxaan ku jirnaa olole xoogan oo ku wajahan jihaynta bulshadda iyo ka hortaga been abuurka,todobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlaayey Saameynta Been Abuurka iyo Kicinta Colaadaha,tababrkaani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkaan ku yeelanay Safiirka,wuxuuna xoojinayaa hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida ku talagalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahacelinayaa Safaaradda taageeadda joogtada ah ey la garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda”ayuu yiri Wasiir Da’uud Aweys. Wasiirka waxa uu kula dardaarmay ka qeybgalayaasha iney ka faa’iideystaan tababarkaan kuna dhaqmaan una gudbiyaan saaxibadooda goobaha shaqada. Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktas oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigaan Safaaradda uu taageero u yahay xoojinta iskaashiga labada dal,loona baahan yahay wariyeyaasha iyo warbaahinta iney door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya. Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu xoojinaayo wacyiga bulshadda ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya Nabadda iyo Xasiloonidda dalka Soomaaliya.
ISHA/SNTV.