SAFAARADDA SOOMAALIDA EE HINDIYA AYAA…
(SAWIRKA)-BURCAD BADEEDA SOOMAALIYEED EE LA GEEYEY HINDIYA.
(MUMBAI-INDIA)-Dhammaadkii sannadkii hore ee 2023-ka Xeebaha maamulka Puntland ayaa waxaa laga afduubtay Markab la yiraahdo MV RUEN lagana leeyahay dalka Bulgaariya sitayne calanka dalka Malta,Markabkaan ayaa waxaa afduubtay Burcad Badeed Soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soo jeeda Puntland sida la sheegayna qaar ka mid ah Burcadda waxa ey ka tirsanaayeen Ciidamadda ilaaladda Xeebaha Puntland ee loo yaqaano Puntland Maritime Police Forces(PMPF). Tirada Burcadda ayaa gaareyso ilaa 35-nin oo huabysanaay markii Markabka afduubayeen horaantii bishii Diseembar,todobaad ka hor ayey ciidamadda Badda ee dalka Hindiya waxa ey weerareen Markabka u afduubnaay Burcadda Soomaaliyeed waxaane halkaas ka dhacay dagaal aad culus qaatayne 40saacadood una dhexeeyey Burcadda iyo ciidamadda Badda ee dalka Hindiya ugu dambeyntiina waxaa dagaalka looga adkaaday Burcadii waane la soo wada qabtay waxaane shalay oo Sabti ahayd laga geeyey dalka Hindiya si halkaasi loogu Maxkamadeeyo. Saafaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa Qareen u qabatay Burcadda Soomaaliyeed ee laga soo dejiyey magaaladda Mumbai si uu u difaaco, Qareenka loo qabtay Burcadda ayaa la yiraahdaa Vishwajeet Singh,mar uu la hadlay warbaahinta gudaha ayuu yiri”Ciidamadda badda ee Hindiya waxa ey soo qabteen 35-burcad badeed Soomaali ah waxa eyna ku wareejiyeen booliska magaaladda Mumbai,waxaan u doodi doonaa 35-burcad ee Soomaalida ah ee la soo qabtay,hadda waxa ey ku xiran yihiin xabsiga Yellaw Gate waxaase lagu haay doonaa xabsiga kale ee Azad Maidan,weli ma arag 35-nin ee burcada ah waxane ugu dambayn la gayn doonaa xabsiga ey leedahay Maxkamadda”
ISHA/SUUQ-BACAAD MEDIA.